Xiisadaha udhaxeeyay dowladaha Itoobiya iyo Eereteriya ayaa cirka iskusii shareeraya xilli ay ciidamada Abiy Axmed lawareegayaan magaalooyinka ugu muhiimsan gobolka Tigray ee dhaca waqooyiga wadankaasi.
Wararka ka imaanaya waqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada daacadda u ah Abiy Axmed ay gudaha ugaleen magaalada Adigrat oo meel aan ka fogeyn ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada Ereteriya.
dhinaca kale xukuumadda Asmara ayaa ku goodisay in ay tallaab adag ka qaadi doonto Itoobiya haddii ay sii waddo daandaansigeeda, farriin uu golaha ammaanka Q.Midoobay uqoray Cusmaan Saalax oo ah wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya ayuu ku sheegay in Itoobiya ay ciidamadeeda heegsan gelisay ayna isku diyaarinayso duullaan melleteri oo ka dha ah dalkiisa.
"Abiy Axmed wuxuu doonayaa in geeska afrika uu gubto wuxuuna diyaarinayaa dagaal ka dhan ah Ereteriya" ayuu wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya u sheegay waxa loogu yeero Q.Midoobay.
Xukuumadda Asmara ayaa ugu baaqday Q.Midoobay in ay dhaleeceeyaan isku dayada Itoobiya ku doonayso in ay ku qabsato mid kamida dekadaha Eereteriya islamarkaana ay dagaal uga riddo gobolka sida hadalka loo dhigay.
Labadan dowladood ayaa maalmo ka hor xiriirka isku jaray waxayna ciidamo ku daadgureynayaan deegaannada xuduudda dhacda, waxaa xusid mudan in Itoobiya ay Ereteriya ku eedaysay in ciidamadeedu ay gudaha wadankeeda usoo galeen inkabadan 20Km.